Description
-
Buuggani waa turjumaad aan toos ahayn, waxa aan ka
turjumay qaab macnaha iyo nuxurka ah buugga carabiga ah ee
la yidhaahdo:
Øواء Øين تلعب بالنار :اشهر واخطر الجاسوسات عبر العصور
oo uu qoray Maxamuud Cabdillaahi.
Qaabka aan u turjumay ma aha qaab ah inaan eray eray iyo
wixii bogagga ku qornaaba soo wada turjumay oo soo wada
raray. Balse, macnaha guud, nuxurka hadalka qoraaga, iyo u
jeeddada ayaan ka raacay, aniga oo aan macnaha ka
dheeraanayn ayaa aan soo koobay oo turjumay u jeeddada
guud. Sidoo kale, buuggu isaga oo dhammaystiran ma wada
turjumin, waxa jira dhawr qiso oo buugga ku jira oo aanan
turjumin, sababtuna waxa weeyaan sabab isla qisada ah oo
aan u arko in dadka aan u turjumayo ayna faa’ido u lahayn, xog
badanna aan sidin.
Wixii xogta sax ahaanteeda ah qoraaga ayaa ka masuul ah,
wixii se dhinaca turjumaadda ah aniga oo turjumihii ah yaa
dhabarka u ridanaya, waanan ka garaabi doonaa oo waan sixi.
Sidoo kale, wixii dhinaca hingaadda Soomaaliga ka qaldan iigu
cudurdaar, waa kama’ e maaha kas, waanan sixi Insha Allah.
Kollay wax way ka qaldami karaane ii cudurdaar oo shifo
ku afsaar
Reviews
There are no reviews yet.