Description
-
- Buuggan waxa ku xusan nolol soo taxnadyd muddo ku dhaw,
afartan sano. Taas oo meelo kala duwan ku saabsan. Buuggan
waxa lagu soo ururiyay maqaallo aad u badan oo ka hadla
mawaadiic kala duwan. Sida jacayl, Taariikh, talooyin, waayoaragnimo, qadiyado ay leeyihiin ummada muslimiinta ah.
Waxa qalinka u qaatay Cabdu Jabbaar Dawla. - Sooyaalka sheekh Cali Al-dandaawi.
Laab ka mida layaabka wakhtiga, aqoon iyo xikmad, garaad iyo
fahmo, cod-karnimo iyo aftahamo, shactiroolonimo gooniya,
aqoon-dheeri ah oo dheeli tiran, xusuus xoog badan, awood
ku dhisan gaadhsiinta farriimaha dadka kale, hab-tabin Gaara.
Waa Akhristihii awoodda badnaa dhawrsoonihii dhabta ahaa,
dhawrsoonidiisu waxay ay ka dhigtay ruux Gaar ah, waa
dhawrsoone aan dheef raadis ahayn. Waa xeel-dheer ururinta
aqoonta waa xeel-dheer aan lagaga Daba dhufan hadalka iyo
gudbintiisa. Waa mid ka mida culimada, iyo baaqayaasha
dhinaca ilaahay waana af maal Gaar ah.
Waa Cali binu Mustafaa Al-dandaawi waxa uu ku dhashay
Magaalada Dimishiq 12 June 1909. Waxa uu ka dhashay Qoys
diineed ku suntan aqoonta Diinta. Asal ahaan waxa uu ka soo
jeedaa Magaalada Dandaa ee dalka Masar. Waxana u
hayaamay Awoowgii Muxammed binu Mustafaa bilowgii
qarnigii sagaal iyo tobnaad Magaalada Midishiq. Waxa uu ahaa
awowgii Buuni (caalim) as-hari ah. Waxa loo qaaday dhulka
Shaam, halkaas oo uu ku weeleeyay aqoonta caqliyaad (المنطق)
gaar ahaan xidigiska iyo xisaabaadka. Aabihiina waxa uu ahaa
- Buuggan waxa ku xusan nolol soo taxnadyd muddo ku dhaw,
Reviews
There are no reviews yet.